Published On: Tue, Jan 10th, 2017

Trump oo wiilka uu sodogga u yahay ee Jared Kushner ka dhigtay lataliyihiisa gaarka ah

muskaani trump wiil kiisa

Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump ayaa wiilka uu sodogga u yahay ee Jared Kushner u magacaabay inuu mid ka mid ah lataliyayaashiisa sare ee aqalka cad.

Jared Kushner oo hadda 35-sano jir ah, wuxuu kaalin muhiim ah ka ciyaaray ololihii Trump uu xilka ugu tartamay.
Shaqadiisa cusub ee aqalka cad ayaa ku saabsanaan doonto dibadda iyo gudaha Mareykanka.
Waa kuma Donald Trump?
Obama iyo Trump oo kulmay
Mr Kushner, oo qabo gabadha Trump ee Ivanka Trump, wuxuu ka shaqeeyaa mashaariicda dhulka, kaas oo leh dano ganacsi oo ballaaran.
Xisbiga dimuquraadiga ayaa ku baaqay in dib u eegid lagu sameeyo magacaabidda oo ay ku tilmaameen inay tahay “qoys jecleysi” iyo arrin khilaaf keeni karta.

Xubnaha guddiga cadaaladda ayaa ku booriyay in waaxda cadaaladda iyo xafiiska anshaxa dowladda inay faragelin ku sameeyaan arrintan.
Xilli sii horeysay, Trump wuxuu Kushner ku tilmaamay “qof aad ugu weyn”, uuna ku faraxsan yahay inuu u magacaabo xil siyaasadeed maamulkiisa ka mid ah.

Trump oo ah ganacsade ka soo jeeda New York, waxaa 20-ka Janaayo loo dhaarindoonaa inuu noqdo madaxweynaha 45-aad ee Mareykanka.
Trump oo jeediyay hadal muran abuuray
Muxuu Trump qaban doonaa marka ugu horaysa?
Trump oo magacaabay wasiirkiisa gaashaandhiga
Xubnaha kooxda Trump waxay ku doodayaan in sharciga diidaya in xil loo magacaabo qoyska uusan khuseyn Aqalka Cad.
Sidoo kale waxaa jiro sharciga anshaxa oo diidaya in shaqaalaha dowladda aysan wax faa’iido ah ka helikarin ganacsiga.
Balse qareenka Mr Kushner wuxuu sheegay inuu shaqada ganacsiga ka tagayaao haddii uu qabto shaqada lataliyaha ee Aqalka Cad.
Mr Kushner waxaa loo arkaa inuu sodoggiisa si weyn ugu ololeeyay, wuxuuna kaalin weyn ka qaatay dhinaca istiraatiijiyadda teknolojiyadda.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300