Published On: Tue, Jan 10th, 2017

Ciiddanka Khaaska ee Maraykanka oo Dagaalyahano Daacish ku dilay Bariga dalka Syria

usa-army-640x360

Hawlgalkaasi oo ay fuliyeen Ciiddan watay Diyaarado Helikoptar ayaa waxay ka degeen Tuulladda Al-kubar ee Gobalka Dayr Asuur, halkaasi oo ay ku dileen ugu yaraan 25-Dagaalyahan.

Sarkaal ka tirsan Isbahaysiga Maraykanka ayaa u xaqiijiyey Telefishinka Aljazeera inay qaadeen Weerarkaasi, balse ma xaqiijinin Khasaaraha soo gaaray labada dhinac.

Barta Twitterka ee Shabakadda Wararka ee Deirezzzor 24 ayaa markii ugu horreysay shaacisay inuu dhacay Hawlgalkaasi oo socday muddo 90-daqiiqo ah.

Waxaa kaloo ka qeyb galay 2 Diyaaradaha Dagaalka iyo 4 Helikopter oo noocoodu ahaa Black Hawk.

Dhinaca kale, Ciiddanka Khaaska ee Maraykanka ayaa la sheegay inay qabteen Maleeshiyo, isla markaana qaateen tiro ka mid ah maydadkii ay ka dileen Kooxda Daacish.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300