Published On: Tue, Jan 10th, 2017

Ciidamada Nabad Sugida oo Howlgallo dad badan ay ku soo qabteen ka sameeyay Gaalkacyo

police-nabad-sugida-somaliya

Ciidamada Nabad Sugida ayaa Howlgallo ay ka sameeyeen Magaalada Gaalkacyo waxa ay ku soo qab qabteen tiro dad ah.

Dadka la soo qab qabtay oo lala xiriirinayo in ay ku lug leeyihiin Amni darrida Magaalada Gaalkacyo ayaa Ciidamada Nabad Sugida waxa ay ku hayaan baaris xoogan.

Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa weeraro siyaabo kala duwan uga geystay Al Shababaab.

Waxaana Magaaladaasi ka kala arrimiya Maamullada Puntland iyo Galmudug, walow qeybta haatan howlgalka laga sameeyay ay tahay dhinaca Galmudug ee Koofurta Magaaladaasi Gaalkacyo.

Ma cadda tirada rasmiga ee lagu soo qab qabtay Howlgalkaasi laga sameeyay Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300