Published On: Tue, Jan 10th, 2017

Baarlamaanka Galmudug oo AMISOM ka dalbaday in ay Ilaaliyaan Amnigooda

galmudug-620x330

Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Maamulka Galmudug Xareed Cali Xareed oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ay soo gaareen Warar sheegaya in Dhibaato loo geysto Xildhibaanada Galmudug ee ku sugan Magaalada Cadaado.

Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Galmudug ayaa sheegay in Ciidamada Nabad Sugidda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay ka Codsadeen in ay ilaaliyaan Amniga Xildhibaanada inta ay ku Shirayaan Xarunta Baarlamaanka ee Magaalada Cadaado.

Xildhibaano ka tirsan Galmudug ayaa Dhawaan Mooshin Xil ka qaadis ah ka keenay Madaxweynaha Galmudug,waxaana ay sheegeen in Madaxweyne Guuleed uu ku fashilmay Hogaaminta Galmudug.

Baarlamaanka ayaa ka cabsi qaba in loo dhibaateeyo Mooshinka Xilka qaadisa ah ee ay ka keeneen Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300