Published On: Mon, Jan 9th, 2017

Wasiirka Diinta Koofur Galbeed oo sharci daro ku tilmaamay musharaxnimada Shariif Xasan

shariif-boor-280x175

Wasiirka Diinta iyo Ow-qaafka maamulka Koofur Galbeed ayaa sharci daro ku tilmaamay musharaxnimada Shariif Xasan Sheekh Aadan oo doonaya xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Macalin Barre, wasiirka Diinta ee maamulka Koofur Galbeed ayaa sheegay in xeerka maamulkaasi uu dhigayo in shaqsiga doonaya inuu xilal kale qabtaa uu marka hore iska casilaa xilka uu ka hayo maamulka Koofur Galbeed.

“Waa sharci daro in Shariif Xasan uu musharaxnimo ku dhawaaqo, waxaa marka hore qasab ah in Shariif Xasan uu is casilaa, maanta madaxweyne malahan koofur galbeed, ciddii dooneysa xilkaasi wuu u banaan yahay”

“Waxaan ku baaqayaa in la iclaamiyo shir aan caadi aheyn oo baarlamaanka iskugu yimaado, si loo sameeyo loona doorto hogaan cusub uu Koofur Galbeed ay yeelato”ayuu yiri wasiirka diinta.

Dhinaca kale wasiirka ayaa ugu baaqay wasiirada maamulka Koofur Galbeed inay iska casilaan xilalka ay hayaan, maadaama sida uu sheegay ay ku fashilmeen shaqadii ay u hayeen shacabka.

“Waxaan ugu yeerayaa wasiirada koofur Galbeed oo aniga aan ka tirsanahay, inay dhamaantood is casilaan, maadaama aan ku fashilanay howlihii nalaga rabay oo dadka iyo dalkaba aan wax u qaban”

“Dhaqaalihii loogu talo galay dadkan hoteelada ayaa lagu jiiftaa oo lagu baashaalaa, waxaan leeyahay wasiirada kale inay iska casilaan howlaha ay hayaan”ayuu hadalkiisa ku daray.

Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa doonaya xilka madaxweynaha Soomaaliya, mana jiro madaxweyne ku xigeen xilkaasi sii qabanaya marka laga yimaado wasiiro xilkaasi si KMG ah u haynaya.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300