Published On: Mon, Jan 9th, 2017

Shabaab oo Gobolka Jubbada Dhexe ka mamnuucay ka ganacsiga Xayawaanaadka Duur joogta

al-shabaaab

Ururka Al Shabaab ayaa Gobolka Jubbada Dhexe, waxa ay ka mamnuuceen ka ganacsiga iyo Ugaarsiga lagu haayo Xayawaanaadka Duur joogta ah ee halkaasi ku nool.

War ka soo baxay Maamulka Ururka Al Shabaab ee Gobolka Jubbada dhexe oo laga sii daayay Idaacada Andalus ee afka Shabaab ku hadasha ayaa lagu sheegay in arintaasi Shabaab ay mamnuuceen.

Guddoomiyaha Shabaab u qaabilsan Gobolka Jubbada Dhexe Sheekh Abuu Cabdalla, ayaa sheegay cidii ay ku arkaan iyaga oo ka ganacsanaya xayaawaanaadka duur joogta ah inay ka qaadi doonaan tallaabo sharciga waafaqsan.

Abuu Cabdalla wuxuu sheegay in amarkaan loo baahan yahay inay fuliyaan dhamaan dadka ku nool Gobolada Jubbooyinka, inkastoo Shabaab aysan ka wada talin Gobolada Jubbooyinka.

Dadka reer miyga ah ee Jubbooyinka ku nool, ayaa u gaarsada Xayawaanaadka kala duwan, kuwaasi oo markii ay dilaan ama ay soo qabtaan iibsada.

Degmada Jilib oo Shabaab ay gacanta ku hayaan ayaa waxaa ku taal Xero lagu xanaaneeyo Xayawaanka duurjoogta ah, gaar ahaan Libaaxa.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300