Published On: Mon, Jan 9th, 2017

Puntland oo Faahfaahisay howlgallo ka socda Gaalkacyo

gaalkacyo-620x330

Gudoomiye ku xigeenka gobolka Mudug ee Puntland Maxamed Ciise Warsame oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ciidanka Ammaanka gobolka Mudug ay Howlgallo ay ka wadaan Magaalada Gaalkacyo.

Waxaa uu sheegay in ciidanka Ammaanka ay bilaabeen howlgallo ay ku baadigoobayaan kooxaha dhibaatada u geysta bulshada Kunool Magaalada Gaalkacyo xilliyada habeenkii ah.

Sidoo kale Gudoomiye ku xigeenka ayaa xusay in tilaabo adag laga qaadi doono cidii lagu arko ayadoo gawaarida muraayadaha Madow ku dhex wadata Magaalada Gaalkacyo. Maxamed Ciise Warsame ayaa ku dambeyntii ugu baaqay bulshada kunool Gaalkacyo in ay la shaqeeyaan ciidanka Ammaanka , islamarkaana ay kusoo wargeliyaan hadii ay arkaan kooxaha dhaca u geysta Bulshada.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300