Ciidanka dowladda Howlgal Saaka ka wadda degmada Afgooye
Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa saaka howlgallo waxa ay ka wadaan degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose sida ay Idaacadda Risaala u sheegeen dadka degaanka.
Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa baadigoobaya dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo lagu tuhmaayo in ay ku sugan yihiin qeybo ka mid ah Xaafadaha degmada Afgooye.
Ciidanka Hay’adda Nabad suggida iyo sirdoonka Qaranka ayaa shalay degmada Afgooye ku qabtay Mootooyin ay saarnaayeen walxaha Qarxa.
Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in la adkeyn doono Ammaanka degmada Afgooye , madaam Al-Shabaab ay dhowr jeer ay kusoo qaadeen weeraro geystay khasaare kala geddisan.
Wariye Risaala ee Gobolka Shabeelaha Hoose Axmed Abuukar Sabriye ayaa ka waramaya sida uu howlgalku u socdo.