Published On: Mon, Jan 9th, 2017

Boris Johnson oo booqasho aan la shaacin ku tegay Mareykanka

_93319525_45ed49a5-dce4-458b-989e-c9bf9845e24a

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Britain, Boris Johnson, ayaa booqasho aanan horay loo shaacin oo uu ku tegay magaalada New York waxa uu kula kulmay qaar ka mid ah lataliyayaasha sar sare ee madaxweynaha la doortay ee Mareykanka, Donald Trump.

Mr Johnson, ayaa la kulmay wiilka uu sodogga u yahay Trump ee Jared Kushner iyo madaxa istiraatiijiyadiisa, Steve Bannon.

Mas’uuliyiinta ayaa wadahadaladani ku tilmaamay in ay yihiin kuwo looga arrinsanayo siyaasadda Mareykanka ee ku aaddan wadammada Suuriya, Shiinaha iyo Ruushka, taas oo dhanka wanagsan laga eegayo.

Madaxweynaha la doorta ee Mareykanka, Donald Trump, ayaa horay usoo jeediyay in Nigel Farage oo ah siyaasi u ololaynayay in Britain ay isaga baxdo Midowga Yurub uu noqon karo safiir wanaagsan oo Britain ku matali kara Washington, balse soo jeedintaasi waxaa ku ganac seertay dowlada Britain, maadaama uu safiir dalkaas u fadhiyo misana Farage uusan ka tirsanayn xisbiga haya talada waddankaasi.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300