Published On: Sun, Jan 8th, 2017

Shiinaha oo qorsheynaya dhismaha waddo tareen oo isku xirta Kismaayo iyo Lamu

waddo-tareen

Dowladda Shiinaha ayaa balaarineysa mashaariicdeeda dhisme ee ay ka wado wadamada ku yaala bariga qaarada  Africa, waxaana ku baxaya balaayiin doolar.

Sida uu baahiyay CNN TV , dowladda Shiinaha ayaa dooneysa inay dhisto wado tareen oo isku xireysa magaalada Kismaayo ee dalka Soomaaliya iyo degmada Lamu ee dalka Kenya.

Bishii octobar ee sanadkii la soo dhaafay Shiinaha ayaa furay dhismaha waddo tareen oo isku xireysa wadamada Ethiopia iyo Jabuuti.

Waddadaasi oo dhererkeeda uu gaarayo 750 KM ayaa waxaa ku baxay dhaqaalo gaaraya 4 bilyan oo doolat.

Waxaa dhaqaalaha iyo dhismahaba qeyb ka qaadanaya shirkado laga leeyahay dalka Shiinaha, waxaana dhawaan la filayaa inay furaan waddo tareen oo isku xireysa dalalka Kenya iyo Sudan.

Sidoo kale waxay qorsheynayaan inay dhisaan waddo tareen oo isku xirta magaalooyinka Mombasa iyo Nairobi ee dalka Kenya.

Qorshaha kale ee shirkadaha Shiinaha ayaa ah inay dhisaan waddooyin isku xira dalalka Sudaanta koofureed, Uganda , Rwanda iyo Burundi, iyadoo qorshaha uu yahay isku xirka  shacabka dalalka Africa, sida ay sheegeen masuuliyiin u hadlay Shiinaha.

Qorshaha laga leeyahay dhismaha waddada tareen ee isku xireysa magaalada Kismaayo iyo Lamu ayaanan laga bixin xog dheeraad ah.

Laakiin waxaa hadafka guud lagu sheegay in fursad loo helaa in magaalooyinka dekadaha leh si toos ah dhaqdhaqaaqooda loo helaa.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300