Published On: Sun, Jan 8th, 2017

Galmudug oo sheegtay in ay Qabatay Doon Kaluumeysi

Maamulka Galmudug ayaa sheegay in Ciidanka Illaaliya Xeebaha Gobolka Mudug Ee Galmudug ay Gacanta ku dhigeen Doon laga leeyahay Wadanka yemen iyo Shaqaalihii Saarnaa,waxaana ay sheegeen in si sharci daro ah ay uga Kaluumeysanayeen Xeebaha Soomaaliya.

Saraakiil u hadlay wasaaradda Kaluumeysiga Galmudug ayaa sheegay in Dadka saarnaa Doonta ay ku dhaw yihiin illaa 30 Ruux islamarkaana ay ku jiraan Labo Dhaawac ah oo ay haleeshay Rasaas ay ku rideen Doonta Ciidamada Badda Galmudug Xilli ay doonayeen in ay Baxsadaan.

Sargaalka u hadlay Wasaaradda Kaluumeysiga Galmudug ayaa sheegay in ay dhawaan Sharciga soo taagi doonaan Ajaanibta lagu qabtay iyagoo si aan sharci aheyn uga Jilaabanaya Xeebaha Soomaaliya.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300