Published On: Sun, Jan 8th, 2017

Faah-faahino ka soo baxaya qaraxyadii xalay ka dhacay magaalada Muqdisho

qarax-caawa-200x112

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxyo xalay ka dhacay magaalada Muqdisho, qaraxyadaasi ayaana sababay dhimasho iyo dhaawacyo soo gaaray dad rayid ahaa.

Inta la xaqiijiyay ku dhawaad 5 ruux ayaa ku dhimatay qaraxyada oo ka dhacay maqaayad ku taala isgoyska Tarabuunka ee degmada Hodon, iyadoo dadkale ay ku dhaawacmeen.

Qaraxyada ayaa ahaa miinooyin dhulka lagu aasay, waxaana la geliyay maqaayad dad shacab iyo askarta dowladda ay ka cunteeyeen.

Saraakiisha caafimaadka isbitaal Madiino ayaa xaqiijiyay in dad dhaawacyo ahaan loo dhigay isbitaalka inay u dhinteen dhaawacyadii soo gaaray.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir ayaa dhankiisa sheegay inay socdaan baaritaano ku saabsan sida qaraxyada ay kaga dhaceen maqaayada ku taala isgoyska Tarabuunka.

Qaraxyada ayaa xalay hakad geliyay dhaqdhaqaaqa isgoyska, waxaana ciidamada ilaa saaka ay wadaan baaritaano amaan xaqiijin ah.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300