Published On: Sun, Jan 8th, 2017

Ciidammada gadooday ee Ivory Coast oo siidaayay wasiir ay qabsadeen

wasiiro

Madaxweynaha waddanka Ivory Coast, Alassane Ouattara, ayaa sheegay in la gaaray heshiis lagu soo afjarayo gadoodkii ay ku dhaqaaqeen qaar ka mid ah ciidammada milateriga waddankaasi.

Mr Ouattara ayaa sheegay in dalabka ciidammada ee ah in la kordhiyo mushaarkooda sidoo kalana la wanaajiyo xaaladaha ay ku nool yihiin wax laga qaban doono, waxa uuna ugu baaqay inay dib ugu laabtaan xeryahooda.

Hadalka madaxweynaha ayaa yimid waxyar un kaddib markii la sii daayay wasiirka gaashaandhigga Ivory Coast oo ay madax furasho ahaan u haystay ciidammada gadooday.

Wasiirka gaashaandhigga, Alain Richard Donwahi, ayaa saacado gelinkii dambe ee Sabtidii ku qaatay wadaxaajood uu la lahaa ciidammada gadooday ee ku sugan magaalada Bouake ee bartamaha Ivory Coast.

Hasayeeshee waxa ay u muuqatay in qaar ka mid ah ciidammada gadoodka sameeyay aanay ku qanacsanayn hadalka uu madaxweyne Alassane Ouattara kaga dhawaaqay taleefishinka.

Waa ay adag tahay in la saadaaliyo in dhammaan ciidammada gadoodsan ay aqbali doonaan hadalka dowladda.

Gadoodka ayaa waxa uu fajac iyo argagax ku abuuray bulshada dalkaasi, oo waxa ay dib u soo celisay xusuusta dhibaatadii siyaasadeed iyo dagaalkii sokeeye ee dalkaasi ka jirtay 10-ka sano, taasi oo la soo afjaray 2011.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300