Published On: Sun, Jan 8th, 2017

AMISOM oo ka hadashay dilka dadkii rayidka ahaa ee sh.hoose

amisom

Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM,ayaa ka hadlay weerar ay ku dileen dad rayid ah oo jimchii ka dhacay degaanka Wareer-male ee hoostagta Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha hoose.

Afhayeenka Ciidanka AMISOM ee Soomaaliya joe Kibet,oo la hadlay mustaqbal Radio,ayaa sheegay in shilkaasi ay ku dhinteen 2 Qof iyo 25 Neef oo Geel ah,islamarkaana ay weerarka billaabeen Al-shabaab.

Waxaa uu sheegay in Ciidankooda oo ku jira Roondo ay la kulmeen weerar uga yimid Al-shabaab islamarkaana uu dagaal ku dhex maray degaankaas,kadibna ay AMISOM is difaacday.

Waxaa uu Afhayeen Joe, sheegay in Ciidanka AMISOM ay baaritaan dheeraad ah ku sameynayaan shilka dhacay iyaga oo la kaashanaya dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Joe Kibet,ayaa intaas ku daray in Dowladda Soomaaliya,AMISOM iyo Dadka degaanka ay ka wada hadli doonaan waxa dhacay wixii ay isku afgartaanna ay sameyn doonto AMISOM

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300