Published On: Sat, Jan 7th, 2017

warar dheeraad ah oo laga helayo dagaallo ka dhacay Jubbada Hoose

weerar

Wararka laga helayo Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Ciidamada Maamulka Jubaland iyo kuwa Itoobiya ay duulaan xoogan ku qaadeen baro Xarakada Al Shabaab ay ku leeyihiin Duleedka Magaalada Kismaayo.

Ciidamada huwanta ayaa weerarkan ku qaaday Degaanka Singaleer oo dhaca Koonfurta Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose.

Wararka ayaa sheegaya in Al Shabaab halkaasi ay isaga baxeen islamarkaana ay la wareegeen Ciidamada Maamulka Jubaland iyo kuwa Itoobiya.

Ciidamada iskaashanaya ayaa markii ay ka soo laabteen Degaanka Singaleer waxaa weerar ku bilaawday Qaraxyo ku qaaday Xoogaga Xarakada Al Shabaab.

Dadka Degaanka qaarkood oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in uu jiro khasaaro xoogan oo Weerarka lagu gaarsiiyay Ciidamada maamulka Jubaland iyo kuwa Itoobiya

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300