Published On: Sat, Jan 7th, 2017

Switzerland oo sheegtay tirada Soomaalida ka carartay dalkaasi sanadkii 2016

qaxooti-200x112

Dowladda Switzerland ayaa ku dhawaaqday tirada Soomaalida tahriibayaasha ah ee ka cararay dalkaasi, kuwaasi oo u gudbay dalalka kale ee qaarada Yurub.

Waaxda socdaalka ee dowladda Switzerland ayaa shaacisay in inka badan 400 qaxooti Soomaali ah cabsi darteed ay kala carareen dalkaasi, waxaana dowladda ay sheegtay in la la’yahay qaxootigaasi.

Qoraal kasoo baxay waaxda socdaalka Switzerland ayaa lagu sheegay in Soomaalida ay kaga carareen dalkaasi cabsi ay ka qabaan in dib loogu celiyaa dalka Talyaaniga oo markii hore ay ka tageen.

Sanadkii lasoo dhaafay ayaa noqday sanadkii ugu badnaa oo qaxooti Soomaali ah ka cararaan dalka Switzerland, maadaama inta badan Soomaalida dib loogu soo celiyo dalka Talyaaniga oo marka hore qaarkood faro looga qaado.

Soomaalida kunool dalka Switzerland oo ay soo xiganayso waaxda socdaalka dalkaasi ayaa sheegay in aysan garanaynin  dalalka ay galeen dadkaasi Soomaaliyeed ee ka cararay Switzerland

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300