Published On: Sat, Jan 7th, 2017

Somaliya oo safka hoose ka gashay Waddamada uu ka jiro guurka qasabka ah

guur-620x330

Warbixin ay soo saartay Hay’adda badbaada Carruurta ee Save the Children,ayey ku sheegtay in Sanadka 2017 sadaashu muujineyso in in kabadan 15 Milyan Gabdhood oo aan qaangaarin guur qasab ah la gelin doono Caalamka oo dhan.

Hay’adda waxaa ay sheegtay in Gabdhaha d’addu u dhaxeyso  15-18 jir ay u nugul yihiin guurka qasab ah oo waliba lagu darayo dad Rag Awoowe u noqon kara da’ahaan.

Save the Children,waxaa ay sheegtay in maalin kasta oo ka mid ah 2017ka ay 12,000 Gabdhood oo aan qaan gaarin guursan doonaan sida ay muujineyso daraasad ay soo saartay.

Warbixintan ayaa laga sameeyay 144 dal oo ay Soomaaliya ka mid tahay,waxaana Warbixinta ay dalal u badan Afrika ku sheegtay in uu ka jiro guurka qasabka ah waliba aad ugu badan yahay.

Sababta ayey Warbixintu ku sheegtay in ay tahay Faqriga,Shaqo la’aanta iyo waxbarasho la’aanta ka jirta Qaaradda Afrika.

Haweenkaas lagu qasbo guurka ayaa sidoo kale u nugul geerida xilliga Foosha,waxaana ay dhintaan xilligaas maaddaama jirka Gabdhaha da’daas ku jira gaar ahaan Miskaha uusan isu diyaarin fool.

Dalalka kala ah :Niger, Chad, Central African Republic, Mali iyo Soomaaliya ayaa ugu hooseeya Waddamada guurka qasabka ah geliya Gabdhaha aan gaarin xilliga guurka,waxaana ay daraasadda intaas ku dartay in Waddamadaas sidoo kale ay ku badanyihiin kiisaska umul raaca.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300