Published On: Sat, Jan 7th, 2017

Mukhaabaraadka Mareykanka oo edeeyay Madaxweyne Puttin

_93304343_1183c9d1-3c4b-4c19-a5c7-a95d83d4c309

Nin dabley ah ayaa waxa uu 5 qof ku dilay 8 kalana ku dhaawacay gagida diyaaradaha Fort Lauder-dale ee gobolka Florida ee waddanka Mareykanka.

Booliska ayaa ninkaasi gacanta ku dhigay, haatanna waxa ay isku dayayaan inay go’aan ka gaaraan waxa ninkaasi ku dhaliyay inuu dadka laayo.

Ninkan hubeysan ayaa xabadd ku furay goob laga daabulo alaabaha shirkadaha Air Canada iyo Delta Airlines .

Dad goob joagayaal ah waxaa ay sheegen in ninkani uu amusnaa , isagoo rasaas ku furay iyadoo dadku ay isku dayayeeen in ay halkaasi ka baxsadaan.

Ciidamada ammaanka ayaa waxaa ay rumeysanyihiin in ninka weeraraka fuliyaya uu ahaa keligii , waxaan markii dambe la soo daad gureeyay rakaabkii ku xayirnaa garoonka diyaaradaha .

Ila iyo hada ma kala cada sababta ninkani uu weeraraka u fuliyay iyo in uu xiriir la leeyahay urur argagixiso.

Waxaa kale oo jiray warar ka soo baxay mid kamid xilibaanada aqalka Senate-ka oo magaca ninka weerarka fuliyay ku tilmaamay 26 jir ah la yirahdo Estaban Santiago , waxaana uu intaa ku daray in ninkaasi uu watay kaarka aqoonsiga ee Milatariga Mareykaka.

Guddoomiyaha ammaanka ee halkaasi na waxaa uu isna dhankiisa sheegay in ninkani uu ahaa rakaab gudaha la galay qorigii uu watay , isagoo na qoriga kusoo cabeystay musqusha.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300