Published On: Sat, Jan 7th, 2017

Ivory Coast oo wadahadal la furtay ciidamo gadooday

_93304338_11bb34ef-4b5d-485f-842a-523c8e108003

Dowladda Ivory Coast ayaa waxa ay wadaxaajood la furtay ciidammo isugu soo baxay waddooyinka dhowr magaalo oo dalkaasi ku yaal.

Dagaalkii sokeeye ee dalkaasi ka dhacay ayaa la soo afjaray dhowr sano ka hor, hasayeeshee mas’uuliyiinta ayaa weli waxa ay wajahayaan dhowr caqabadood oo ku gudban sidii ay uga soo kabsan lahaayeen waxyeelada ay ka tagtay colaadda daba dheeraatay.

Ciidamadan gadooday ayaa ugu horeyn weeraray magaalada Bouake ee dalka Ivory Coast.

Mid kamid ah xildhibaanada baarlamaanka ee dalkaasi ayaa sheegay in ciidammadu ay dalbadeen 8 kun oo doolar iyo min guri.

Waxaa ay sidoo kale ciidammadani fal noocan oo kale ah ka sameyeen magaalooyinka Korhogo, Daloa, Daoukro iyo Odienne, iyadoo inta badan la sheegay in ay ka tirsanyihiin ciidammada Nouvelles oo maamula waqooyiga dalkaasi tan iyo markii uu dhamaaday dagaalkii sokeeye ee 2011, waxaana markii dambe kooxahaasi lagu daray milatariga waddankaasi.

Balse waxaa ay sheegen in weli lacaga deyn ah ay ku leeyihiin dowladda.

Dowlada Ivory Coast ayaa laba sano kahor ciidamo noocan oo kale ah siisay lacag , waxaana dowlada heysta caddaadis ah sidii xal waara loogu heli lahaa falalka noocan oo kale ah .

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300