Published On: Sat, Jan 7th, 2017

Ibraahin Najax “Sababta ciidamada Isbaarooyinka u dhigtaan waxa ay tahay mushaar lama siiyo”

najax

Guddoomiyaha Gobolka Shabellaha hoose Ibraahin Aadan Cali “Najax” ayaa wuxuu ka hadlay isbaarooyinka oo si aad ah ugu soo batay Gobolkaasi, gaar ahaan wadada xiriirisa Wanlaweyn iyo Degmada Afgooye.

Ibraahin Aadan Cali, ayaa qiray jiritaanka isbaarooyinka faraha badan ee Gobolka ku soo batay, isaga oo sheegay ciidamo ka tirsan Militariga ay u yaalaan Isbaarooyinkaasi.

Waxa uu sheegay Isbaarooyinka waligood inay meesha yaaleen, arintaasina ay ku timid sida uu yiri isfahan dhexmaray dadka shacabka ah iyo ciidamada Militariga ee halkaasi isbaarada ay u taallo.

“Isbaarooyinka waa ay kala duwan yihiin qaar hab beeleed u yaalo ayaa jira wadada Marka aada ayeey ku badnaayeen, laakiin hada kama jiraan, wadada Wanlaweyn aada ilaa Leego ilaa Buurhakaba, waxaa halkaasi yaala Koontaroolo ciidanka ay leeyihiin iyo Maleeshiyo beeleedyo, waxaan ku guuleysanay kuwii Maleeshiyaadka ay lahaayeen in aan halkaasi ka qaadno, Baraha Koontaroolka ciidanka ay fadhiyaan waxaa lagu qaadaa lacago, lacagahaasi waxaa laga qaadaa gaadiidleeyda, is afgarad ayaana lagu qaada dhexmaray ciidamada iyo gaadiidleeyda.” Ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Shabellaha hoose.

Ibraahin Najax ayaa sidoo kale sheegay sababaha ciidamada Militariga ay u dhiganayaan Isbaarada inay tahay inaysan helin Mushaaraadkii ay xaqa u lahaayeen.

“Runtii hal arin waa jirtaa ciidanka Somaliyed ee xooga dalka, badanaa inta aan anaga naqaano, waxa ay la nool yihiin Bulshada meesha Koontaroolada u yaallo, anaga Baabuureyda iyo ciidanka xooga dalka uma dhaxeyno waxa ay ka qaadanayaan oo aan anaga u qoondeynay ma jirto, ciidanka guno ma qaataan Mushaarna malahan.” Ayuu yiri Guddoomiyaha.

Dowladda Xasan Sheekh uu hogaaminaayo ee waqtigeeda uu dhamaaday ayaa lagu eedeeyaa inaysan bixin Mushaaraadka ciidanka Xooga dalka Somaliya oo muddo 8 bil ah aanan qaadan.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300