Published On: Sat, Jan 7th, 2017

Ciidamada AMISOM oo lagu eedeeyay in wiilal walaalo ah ku dileen Shabeellaha Hoose

amisom-200x112

Ciidamada AMISOM ayaa la sheegay in labo ruux oo walaalo ah ku dileen duleedka degmada Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose, sida ay warbaahinta u sheegeen xildhibaano Koofur Galbeed ka tirsan.

Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM oo la sheegay inay ka tageen magaalada Muqdisho, kuna sii jeeday degmada Baraawe ayaa lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen dilka labada wiil ee walaallaha ah.

Magacyada  laba wiil ayaa lagu kala sheegay C/raxmaan Xasan oo 17 sano jir ah iyo Cabdi Xasan oo 15 jir ahaa, waxaana lagu dilay deegaan ku yaala duleedka degmada Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Xildhibaan Ruqiyo Xasan Nuur oo kamid ah xildhibaanada maamulka Koofur Galbeed, ayaa xaqiijisay in caruurtaasi lagu dilay duleedka degmada Baraawe.

Waxayna sheegtay in ciidamada AMISOM ay ka dambeeyeen dhacdadaasi.

Waxay ku baaqday in ciidamada AMISOM lagula xisaabtamo dhibaatooyin badan oo ay sheegtay inay ka geysteen gobolka Shabeelaha Hoose.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay taliska ciidamada AMISOM, balse marar badan ciidamada AMISOM ayaa dilal iyo dhibaatooyin kale ka geystan gobolka Shabeellaha Hoose.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300