Published On: Fri, Jan 6th, 2017

Safiirka cusub ee UK oo dhowaan Muqdisho soo gaari doona

david-238x178

Safiirka cusub ee Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya ayaa dhowaan Magaalada Muqdisho, soo gaari doona, si uu ula wareegi shaqadiisa cusub ee Danjirnimo.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dalka Ingiriiska ayaa sheegtay dhowaan in Soomaaliya uu imaan doono safiirka Dowladda UK ee Soomaaliya, kaas oo lagu magacaabo David Concar.

Sidoo kale Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dalka Ingiriiska ayaa sheegtay safiirkeeda cusub ee Soomaaliya in uu imaan doono bartamaha Bishan, si uu shaqada ugala wareego Safiirka Dowlada Ingiriiska u joogtay Soomaaliya Harriet Mathews oo wakhtigii Safiirnimo uu ka dhamaaday.

Mr. Concar ayaa ka soo shaqeeyay meelo kala duwan, waxaana ka mid ahaa goobaha uu ka soo shaqeeyay xafiiska arrimaha Dibadda ee Dowladda UK, sida lagu sheegay war ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dowladda Ingiriiska.

Boqoradda dalka Britain, Queen Elizabeth II ayaa waxa ay bartamihii bishii November ee sannadkii hore u soo magacowday Ambassador David William Concar inuu noqdo Safiirka Boqortooyadda Britain u jooga Soomaaliya.

Ambassador David William Concar ayaa xilkaasi kala wareegi doona Danjirihii UK horey u joogtay Soomaaliya, Ambassador Ms. Harriet Mathews oo iyada loo bedelay xil kale oo Diplomaasiyeed.

Ugu dambeyntii Dowladda Ingiriiska ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay in ay gacan ka gaysato Howlgalada ka dhanka ah Shabaab, si dalka iyo dadka ay u helaan xasilooni waarta

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300