Published On: Fri, Jan 6th, 2017

Madaxweyne Xasan oo labada Aqal ka codsaday iney wadajir ushaqeeyaan

xasan-sheekh-4-300x194

Madaxweynaha Dalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa codsi udiray Xildhibanaada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, wuxuuna ka codsaday iney ka shaqeeyaan sidii ay meesha uga bixi leheyd isqabqabsi ka dhasha Shaqooyinka Baarlamaanka.

Madaxweyne Xasan ayaa Sheegay in loo baahanyahay in si wada ogol ah loo wajoho shaqooyinka horyaala Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Baarlmaanka Soomaaliya.

Waxa uu dhinaca kale Madaxweynaha ka digay inuu isqabqabsi hareeyo Hay’adaha kala duwan ee Dowladda Maadaama xiliga lagu jiro uu yahay waqti adag.

Xasan Sheekh Maxaamuud ayaa ugu danbeyn Aqalka Duqoyda ee Baarlamaanka faray iney ku dadaaalaan sidii loo dardar galin lahaa howlohooda oo ay ugu horeyso doorashada Gudoonka rasmiga ah ee Aqalka Sare.

Aqalka Sare oo ka kooban 54 Xildhibaan ayaa hada waxaa dooran oo kaliya 43 Mudane, waxaana harsan 11 oo ka imaneysa Gobolada Waqooyi  (Somaliland).

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300