Published On: Fri, Jan 6th, 2017

Madaxweynaha oo SONNA ugu hambalyeeyay sannad guurada 53-aad

Board-of-SONNA-640x407-640x407Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeey bahda Wasaaradda Warfaafinta gaar ahaan Shaqaalaha iyo Maamulka Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed (SONNA) Munaasabadda 53-aad ee ka soo wareegatay aas-aaskii SONNA oo shalay ku beegnayd.

“Maanta waa maalin weyn oo ku began maalintii la aas aasay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed (SONNA) 1964,Waxaana hambalyo iyo Bogaadin u dirayaa dhammaan Umadda Soomaaliyeed gaar ahaan shaqaalaha iyo Maamulka SONNA” ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa sheegay in tallaabadaan horumarka ah ee ay sameysay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ay qeyb ka tahay dedaalada lagu soo nooleeyey laguna horumarinayo hey’adaha dowladda.

Madaxwaynaha ayaa ku dhiirigaliyay mas’uuliyinta Wakaaladda in ay laba-laabaan dadaalkooda islamarkaana sii kordhiyaan hiigsigooda ah horumarinta Wakaaladda SONNA, maadaama SONNA ay tahay Hay’ad u taagan kor uqaadista iyo soo bandhiggidda Xaqiiqada rasmiga ah ee dalka Soomaaliya.

Ugu dambayn, Madaxwaynuhu wuxuu si gaar ah ugu ammaanay Wasaaradda, gaar ahaan Madaxda Wakaaladda, hawlkarnimada ay ku xaqiijiyeen soo noolaynta SONNA, taas oo ah guul u soo hoyatay Qaranka Soomaaliyeed.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300