Published On: Fri, Jan 6th, 2017

Dowlada Maraykanka oo liiska argagaxisada ku dartay wiil uu dhalay Osama Bin Laden

amza-200x112

Dowladda Maryakanka ayaa liiska argagixisada ku dartay wiil uu dhalay hoggaamiyihii hore ee Al-Qaacida Osama Bin Laden,kadib markii lagu tilmaamay in wiilkaas uu halis ku yahay dalka Maraykanka.

Wiilkan oo la yiraahdo Xamza Bin laden ayaa ah dhowr iyo labaatan jir, wuxuuna noqday xubin ka tirsan Alqaacida tan iyo dhimashadii aabihii.

Wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanka ayaa Xamza ku dartay liiska kooxaha argagixisada waxayna taasi ka dhigan tahay in qof Maraykan ah ay mamnuuc ka tahay inuu wax ganacsi ah la yeesho wiilkaasi.

Xamza ayaa ku si rasmi ah ugu biiray ururka al-Qaaida 2015, isagoo soo saaray war-saxaafadeed uu ku boorinayo weerarro mustaqbalka lagu qaado Maraykanka, sidoo kale wuxuu ku hanjabay inuu dhimashadii aabihiis uu u aargudi doono.

2015-tii ayay al-Qaeda  soo daysay cod uu duubay Xamza, oo ku baaqaya in taageerayaasha Kabul, Baghdad iyo Qaza ay weerar ku qaadaan, Washington, London, Paris iyo Tel Aviv.

Wuxuu hadda ku biirayaa walaalkiis Saad ee ku jira liiska argagixisada caalamiga, taasoo ah qof qatar ku ah ammaanka dalka Maraykanka iyo dadkiisa.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300