Published On: Fri, Jan 6th, 2017

Ciidamada Dowladda oo xaalad adag geliyay Degmada Wanlawayn

isbaaro

Ciidamada Dowladda Somaliya, ayaa xaalad adag go’doon ah geliyay Degmada Wanlawayn ee Gobolka Shabellaha Hoose, ka dib markii ay jidgooyooyin badan soo dhigteen wadada xiriirisa Degmooyinka Afgooye & Wanlawayn.

Waxaa la soo sheegaya in ugu yaraan ay sagaal jidgooyo Ciidamada Dowladda u taalo wadadaasi, taasoo meesha ka saartay gaadiidkii ganacsiga ee taggi jiray Wanlawayn.

Shacabka deegaanka, ayaa waxaa laga soo xigtay in muddo lix maalmood ihi, aanay gaadiidka ganacsiga imaan Degmada Wanlawayn, sidoo kale aysan mudadaa wax gaadiid ah ka tagin degmadaas  .

Deegaanada ugu daran ee isbaarooyinka lagu arkaayo, ayaa waxaa ka mid ah Tixsiile, Warmaxan, Garas-bambiiro iyo deegaanada kale ee ku dhow dhow.

Ciidamada Dowladda, ayaa waxaa la leeyahay markii horeba isbaarooyinka, ayaa u yaalay inta u dhaxeyso Afgooye iyo Wanlawayn, balse ay toddobaadyadii la soo dhaafay soo bateen isbaarooyinka.

Ciidamada, ayaa gaadiidka ganacsiga iyo kuwa rakaabkaba ka qaada lacago, la sheegay in ay bixintoodu ku adag tahay gaadiidleyda.

Ciidamada, ayaa waxay ka cabanayan mushaar la’aan muddo billo ah, sida laga soo xigtay Saraakiisha Militariga ee ka hawlgala Gobolka Shabellaha Hoose

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300