Published On: Wed, Jan 4th, 2017

Nigeria: Ciidankooda ku jira AMISOM oo aan Sanad mushaar qaadan

au-police-nigeria-632x421-620x330

Saraakiisha Booliska Nigeria eek u jira Howlgalka AMISOM oo dhameystay shaqadooda Soomaaliya ayaa ka bixi la’ Soomaaliya,waxaana ay sugayaan mushaarkii ay ku lahaayeen AMISOM.

Saraakiisha oo gaaraya 136 Qof ayaa sugaya mushaarka Sanadkii ay ka shaqeynayeen Soomaaliya iyo Gunnadii ay lahaayeen intaba.

Waxaa munaasibad lagu xirayay Shaqadooda sanadka aheyd ee Soomaaliya lagu qabtay Muqdisho,waxaana kala qeyb galay madaxda ugu sarreysa Midowga Afrika.

Ku xigeenka Wakiilka Midowga Afrika AMISOM, Lydia Wanyoto,ayaa Dowladda Nigeria iyo Saraakiishaba ugu mahad celisay dadaalkooda nabadeynta Soomaaliya.

Mid ka mid ah Saraakiisha Nigeria oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in muddo Sanad ah aysan arag mushaar iyo gunno toona,islamarkaana aysan saameyn gaar ah ku yeelan shaqadii ay ka hayeen Soomaaliya ilaa ay ka dhameystaan.

Taliyaha Booliska AMISOM, Anand Pillay,ayaa saraakiisha shaqadooda dhameysatay guddoonsiiyay billado ay ku muteysteen shaqada ay ka qabteen Soomaaliya ee dhismaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Sidoo kale Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Jen.Max’ed Xasan Xaamud iyo Wafddi uu hoggaaminayay kana wakiil ahaa Dowladda Soomaaliya ayaa ka qeyb galay munaasibadda,waxaana isaga oo madasha ka hadlay sheegay in Dowladda Nigeria uga mahad celineyso Soomaaliya

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300