Published On: Wed, Jan 4th, 2017

Amaanka Muqdisho oo la adkeeyay iyo ciidamada dowladda oo baaritaano bilaabay

ciida-muqdisho-280x175

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa bilaabay inay adkeeyaan amaanka magaalada Muqdisho ee caasimada dalka, oo maalmo kadib ay ka dhacayso doorashada guddoonka baarlamaanka.

Waxaa saaka la arkayaa ciidamo badan oo boolis ah oo lagu daadiyay waddooyinka qaar ee magaalada Muqdisho, kuwaasi oo baaritaano sameynaya.

Waxaa la xiray qaar kamid ah isgoysyada magaalada Muqdisho, kuwaasi oo loo diiday inay adeegsadaan gaadiidka dadweynaha iyo kuwa sida gaarka ah loo leeyahay.

Ciidamadda ayaa baaraya gaadiidka ay adeegsadaan madaxda dowladda, kuwaasi oo inta badan aan laga celin waddooyinka xiran.

Adkeynta amaanka ayaa timid iyadoo lagu gudo jiro diyaar garowga doorashada guddoomiyaha iyo ku xigeenka baarlamaanka oo dhaceysa 11 iyo 12 bishan January.

Labo maalin ka hor ayay aheyd markii qarax xoogan oo khasaaro geystay uu ka dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300