Published On: Mon, Jan 2nd, 2017

Shabaab oo dilay ciidamo ka tirsan dowladda, hubkiina ka qaatay

shabaab-dil

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Gobolka Gedo ee Koonfurta Somaliya xoogag ka tirsan Ururka Al Shabaab ayaa dilay Saddex Akari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda Federalka Somaliya ee Gobolka Gedo.

Dilka askartaan ayaa wuxuu ka dambeeyay, kadib markii mooto ay la socdeen ay rasaas ku fureen ciidamo Shabaab ka tirsan, oo wadada u galay.

Askarta la dilay ayaa waxa ay ka soo ambabaxeen deegaanka Yurkud, waxayna ku wajahnaayeen Degmada Luuq ee Gobolka Gedo, balse inta aysan gaarin Degmada Luuq, ayaa jidka lagu dilay.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda Federalka Somaliya ayaa sheegay inay goobta ku baxeen, balse ay ugu tageen meydadka saddexda Askari ee Shabaabka ay dileen, kuwaasi oo hubkii ay wateen laga qaatay.

Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay inay sameeyeen howlgal ay ku baadigoobayeen raggii Shabaabka ka tirsanaa ee dilkaasi u geystay ciidamada, balse waxa ay sheegeen inaysan gacanta ku soo dhigin.

Ciidamada dowladda oo muddo aanan qaadan Mushaaraadkii ay xaqa u lahaayeen, ayaa taasi waxaa u sii dheer dilalka qorsheysan ee ay kula kacayaan Shabaabka ugaarsiga ku haayo ciidamada.

Amniyaadka Al Shabaab ayaa xilli kasta isku daya inay dilaan meesha ay ku arkaan Askari ka tirsan ciidamada Dowladda.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300