Published On: Mon, Jan 2nd, 2017

Shabaab oo Degmada Jilib ku toogtay nin ay sheegeen inuu ka tirsanaa Maamulka Jubbaland

al-shaaaaa

Fagaare ku yaalla Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe waxaa shalay gelinkii dambe ka dhacay fal toogasho ah oo ay sameeyeen Ururka Al Shabaab.

Toogashada ayaa waxaa lagu fuliyay Sarkaal ay sheegeen Shabaab inuu ahaa La taliye ka tirsan Maamulka Jubbaland, kaasi oo ay ka soo qabteen Degmada Afmadoow ee Gobolka Jubbada Hoose.

Maxkamada Al Shabaab ee Degmada Jilib ayaa Saalax Bashiir Cumar waxa ay ku xukuntay dil toogasho ah, kadib markii ay sheegeen ciidamada Shabaab inay ku soo qabten howlgal gaar ah oo ka dhacay Degmada Afmadow.

Shabaab ayaa sheegay Saalax Bashiir inuu ahaa La Taliye ka tirsan Maamulka Jubbaland, islamarkaana uu ku howlanaa dhibaateynta Xoogaga ka tirsan Al Shabaab.

Ninkan shalay gelinkii dambe Shabaab ay dileen, ayaa horay waxa ay uga soo qabteen Degmada Afmadoow, xilli habeen ah, kadib markii ay ka soo afduubteen gurigiisa, isaga iyo nin kale oo Oday Dhaqameed ahaa, kaasi oo weli gacanta Shabaab ku jira.

Al Shabaab ayaa dadka ay u arkaan inaysan taageersaneyn fekerkooda dagaalka Somaliya, waxa ay ku fuliyaan xukunada dilka ah iyo falalka dilalka qorsheysan ah.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa shalay ku dhawaaqay inay qaadayaan howlgal ka dhan ah Ururka Al Shabaab

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300