Published On: Mon, Jan 2nd, 2017

Faroole oo dhaliil kala dul dhacay Madaxweyne Gaas

faroole

Senator C/raxmaan Faroole oo ka hadlay abaarta ka jirta deegaannada maamulka Puntland ayaa dhaliil u jeediyay madaxda iyo Labada gole ee maamulkaasi, kadib markii uu sheegay inay gabeen kaalintii looga baahnaa gurmadka abaaraha.

Waxa uu sheegay in dadka hadda abaarta ku haysa deegaannada Puntland ay u baahan yihiin gurmad deg deg ah, balse aysan wax kaalmo muuqda aysan ka helin maamulka C/wali Gaas waa sida uu hadalka u dhigay.

“Reer guuraa badan ayaa isugu tagay gobolka Bari, meello badan oo deegaanka ahna abaar baa ka jirta, roob yar oo ka da’ay Bari waxaa isugu tagay kumanaan qof oo hadda laga yaabo in xaaladda ay sii culeyn karto, xukuumadda Puntland waxbo ma aysan qaban wasaaradihii qaarna shaqadii looga baahnaa weli ma hayaan” ayuu yiri Faroole

Musharrax Madaxweyne ahna Xildhibaan Aqal sare C/raxmaan Faroole ayaa ugu baaqay madaxda Puntland iyo shacabka maamulkiisa inay u istaagaan sidii ay ugu gurman lahaayeen dadka abaarta ku haysa deegaannada uu maamulkaasi ka arrimiyo.

Masuuliyiinta horay xilalka u soo qabtay, ayaa hada camal waxa ay ka dhigteen kaliya inay dhaliilaan madaxda hada joogta, si ay ugu soo jeediyaan culeyska Bulshada.

Hadalka C/raxmaan Faroole ayaa imaanaya xilli madaxweynaha Puntland C/weli Gaas uu ku sugan yahay magaalada Muqdisho, walibana uu hambalyo ka diray sanadka cusub.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300