Published On: Mon, Jan 2nd, 2017

Carrabey: “Galmudug 2017 dhulka ka maqan ayey ku soo ceshaneysaa

download

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Galmudug Max’ed Xaaji Cabdi Carrabeey ayaa ka hadlay amniga degaannada Maamulka Galmudug iyo waxyaabaha ay qorsheynayaan Sanadkan cusub ee 2017ka.

Carrabeey waxaa uu sheegay in Galmudug inta maamulkaas uu hadda ka arrimiyo ay amni tahay islamarkaana ay shaqo fiican ka qabteen.

Waxaa uu sheegay in dhawaan ay qaadayaan howlgal ay ku doonayaan in degaannada ka maqan gacanta Maamulka Galmudug lagu soo celiyo si ay u helaan nabadda ay heystaan dadka deggan degaannada uu maamulka ka arrimiyo hadda.

Madaxweyne Xaashi ayaa sheegay in Maamulka Galmudug ay ka go’antahay sida uu hadalka u dhigay xoreynta dhulka Maamulka Galmudug ka maqan,waxaanu sheegay in 2017 ay dhulkaasi soo ceshan doonaan.

Gobollada Galguduud iyo qeyb ka mid ah Judug oo uu ka arrimiyo maamulka Galmudug waxaa qeyb ka heysta Maamulka Ahlu Sunna oo deggan Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb iyo degmada Guraceel,sidoo kale Degaanno ay ka mid tahay Degmada Xarra-dheere ee Gobolka Mudug waxaa heysta Al-shabaab.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300