Published On: Mon, Jan 2nd, 2017

67 Xildhibaan oo gudbiyay Mooshin

breaking

Waxaa soo baxaya durba Mooshin cusub oo ay gudbiyeen Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Somaliya, kuwaasi oo doonaya inay socodsiiyaan Shan Xildhibaan oo doorashadooda la amray in dib loogu noqonaayo.

Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow ayaa sheegay in Xildhibaano gaaraya 67 Xildhibaan ay Mooshin horgeeyeen xubnaha Golaha shacabka, waxa uuna yiri.

“Shirkii shalay anagoo xildhibaanno 67-ah waxaan soo gudbinay soo jeedin guddoonka iyo xafiiska aan u soo gudbinnay, waan weydiisannay waxay noo sheegeen in guddoonku ay ku talo jiraan in ay arrintaa soo bandhigaan guddi farsamo loo bixiyo.”

Xildhibaan Ibraahin Isaaq Yarow, ayaa ka hadlay sababta ka dambeysay Mooshinka ay gudbiyeen.

“Waxaan rabaa inaan Baarlamaanka u soo jeediyo arrinka aan mooshinka u keennay process-kii doorashada waa lasoo maray waa soo dhamaaday midka aan halkan u fadhinno weeyaan waxna waa dhiman yihiin, waxna waa tii dad la celiyay xildhibaanno doorashooyinkii soo maray si kastaba ha noqotee, guddigii waxay soo saareen tiro 5-xildhibaan ah oo kuwii soo baxay ah ayaa dib loo celiyay, 5 xildhibaan waxay u badan yihiin dad la wada yaqaan oo process-ka si wanaagsan u soo maray intaan ognahay, waxaan ka waramaayaa K.Galbeed kuwii soo maray khaasatan baan u oganahay waan joognay doorashaan isla galnay, sheikh Shaacir baa ka mid ahaa sheekhii Qur’aanka Baarlamaanka ka akhrinaayay.”

“Baarlamaanka inaan u soo jeedinno iyadoo aan cidna wax loo dhimeyn oo aan diidanayn hab iyo process-ka wax lagu xallinayo, hadana in Baarlamaanku uu go’aan ka gaaro 5-Xildhibaan maadama ay halkaa soo gaareen in la fasaxo, inaan dadka qoorta la isku gelin oo Baarlamaanka ayaa go’aan ka gaaray in la yiraahdo ayaan rabnaa.”

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300