Published On: Sun, Jan 1st, 2017

Shariif Sheekh Axmed oo maanta ku soo wajahan Magaalada Muqdisho

shariif

Shariif Sheekh Axmed oo ka mid ah murashaxiinta u taagan jegada madaxtinimada ee dalka, ayaa waxaa maanta lagu wadaa in uu dib ugu soo laabto Magaalada Muqdisho.

Shariif Sheekh Axmed, ayaa bishii November u amba baxay Wadamada Yurub qaarkood, iyadoona uu kaga sii gudbay Waqooyiga Mareykanka, oo toddobaadyo uu soo joogay.

Madaxweynihii hore ee Somaliya, ayaa soo maray Wadanka Emirate-ka Carabta, oo uu kaga sii gudbay Magaalada Kampala ee Xarunta Uganda.

Shariif Sheekh Axmed oo Kampala uga sii gudbay Caasimadda Nairobi, ayaa waxaa saakay lagu wadaa in uu uga soo sii tallaabo dhinaca Magaalada Muqdisho.

Ilo wareedyo muhiim ah, ayaa Dhacdo.com u sheegay in Magaalada Muqdisho looga diyaar-garowbay soo dhawaynta Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynihii hore ee Somaliya.

General Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacadde) oo ah madaxa ilaalada Shariif Sheekh Axmed, ayaa u diyaar-garowbay in uu suggo ammaanka masuulkaasi, kolka uu dib ugu soo laabto Caasimadda Muqdisho.

Shariifka, ayaa waxaa lagu wadaa in uu xoojiyo hardanka uu ugu jiro Xafiiska Madaxtooyada, iyadoona uu qaabili doono Xildhibaanada Labada Aqal (Aqalka Hoose & Aqalka Sare).

Haddii sida uu qorshuhu yahay aanu waxba iska bedelin Shariifku, waxaa uu maanta ka soo deggi doonnaa Garoonka Aadan Cadde

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300