Published On: Sun, Jan 1st, 2017

Maxay tahay sababta ka dambeysa xil ka qaadista lagu sameeyay Guddoomiyihii Degmada Heliwaa?

maxay-tahay

Waxaa soo baxaya faah faahina ku aadan xil ka qaadista lagu sameeyay Guddoomiyihii Degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Xaashi “Qoslaaye”, iyadoo lagu bedelay Guddoomiye cusub.

Warar soo baxaya oo ay helayso Shabakada Dhacdo.com ayaa sheegaya in xil ka qaadista lagu sameeyay Guddoomiyihii Degmada Heliwaa ay salka ku hayso arimo uu ka dambeeyo Xildhibaan Maxamed Cabdulle Faarax (Geesey) oo hayb ahaan ay meel ka soo wada jeedaan Guddoomiyihii Degmada Heliwaa.

Xildhibaan Geesey, ayaa la sheegay inuu gor gortan la galay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, taasi oo ku aadan in Xildhibaanka iyo Xildhibaanada kale ee Beeshiisa ka soo jeeda ay u codeyn doonaan Madaxweyne Xasan, hadii uu xilka ka qaado Guddoomiyaha Heliwaa uuna u magacaabo shaqsi Xildhibaan Geesey uu watay.

Madaxtooyada Somaliya oo ahmiyad siineysa helida codadka Xildhibaanada ayaa la sheegay inay arintaasi u aragtay mid dan ay ugu jirto, islamarkaana waxaa durba Duqa Muqdisho la amray inuu xilka ka qaado Guddoomiyihii Degmada Heliwaa Maxamed Axmed Xaashi, waxaana lagu bedelay shaqsi kale.

Ruuxa lagu bedelay Guddoomiyihii Degmada Heliwaa ayaa waxaa lagu magacaabaa C/xakiin Cumar, waxa uu ka shaqeynaayay Wasaarada Warfaafinta Somaliya.

Guddoomiyihii hore ee Degmada Heliwaa oo hada ku sugan dalka Isu taga Imaaraadka Carabta ayaa lagu wargeliyay in xil ka qaadis lagu sameeyay, laguna bedelay shaqsigaasi.

Maxamed Axmed Xaashi “Qoslaaye” Guddoomiyihii Degmada Heliwaa ayaa ka tirsan Xisbiga Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee PDP, balse looma eegin xubin ahaanshihiisa xisbiga oo waxaa ka weynaatay danta kale ee meesha soo gashay, taasi oo sabab u noqotay in xilka laga qaado.

Horay waxaa xilka looga qaaday Haweenaydii kaliya ee Guddoomiye Degmo ka aheyd Gobolka Banaadir Xaawo Kiin Maxamuud Cali, kadib markii ay Kursiga Xildhibaanimo kula tartantay Wasiir ku xigeenka Wasaarada Gaadiidka Xukuumadda waqtigeeda uu dhamaaday Xersi Aadan.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300