Published On: Sun, Jan 1st, 2017

Cabsi laga qabo Shabaab weeraro cusub inay ka geystaan Gobolka NFD

cabsi

Wararka ka imaanaya Gobolka NFD ayaa waxay sheegayaan in dowladda Kenya ay ciidamo dheeraad ah geysay Gobolkaasi gaar ahaan  magaalada Mandhera iyo sidoo kale xadka aan rasmiga ahayn ee Somaliya iyo Kenya.

Saraakiil ka tirsan dowladda Kenya oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in tani ay uga gol leeyihiin sidii loo xoojin lahaa adkeynta amniga Mandhera iyo deegaannada kale ee NFD.

Waxay saraakiishan ku sheegeen inay hayaan macluumaad ku aadan weeraro ay Al-shabaab la damacsan tahay deegaanno ka tirsan NFDm Bilowga sanadkaan iyo maalmaha lagu guda jiro dabaaldega sanadka.

Horey waxaa u jirtay digniin ah in Al-shabaab ay weeraro ka geystaan magaalooyin waaweyn oo ka tirsan Kenya, iyadoo dhanka kale Bandow uu saaran yahay magaalada Mandhera iyo deegaannada kale ee hoosyimaada.

Al-shabaab ayaa xoojisay weerarada ka dhanka ah dowladda Kenya, wixii ka dambeeyay sanadkii 2011, markaa oo ciidanka Kenyan ah gudaha usoo galeen Soomaaliya.

Sanadka dhamaaday ee 2016 Shabaab waxa ay dilal qorsheysan iyo dagaalo toos ah ka geysteen Gobolka NFD, halkaasi oo ay ku dileen Saraakiil ka tirsan Dowladda Kenya.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300