Published On: Sat, Dec 31st, 2016

Israa’iil oo digniin dhanka socdaalka ah ka soo saartay Hindiya

_93188235_4466a75f-9b24-4e95-a468-eba6d1c52ba2

Dowlada isra’iil ayaa muwaadiniinteeda uga digtay inay u safraan dalka Hindiya.

Digniintan ayaa lagu sheegay inay jiraan qatar amni oo dhici karta xiliyadan lagu jiro feestooyinka.

Israa’iil waxay intaasi raacisay in laga cabsi qabo inay weeraro argagaxiso ah ka dhacaan dalkaasi Hindiya.

Gaar ahaan waxaa farta lagu fiiqay in deegaanada koonfur galbeed Hindiya ay wax ka dhici karaan.

Meelaha laga cabsi qabo inay weeraro ka dhacaan ayaa lagu sheegay. Xafladaha xeebaha ka dhaca iyo kalaabyada lagu caweeyo.

Waxaa sidoo kale qatar ah ayaa la yiri. Suuqyada iyo xarumaha ganacsiga ee mashquulka badan.

Israa’iil ayaa dhowr jeer digniino caynkan ah bixisay walow aysan sheegin goobo cayiman

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300