Published On: Sat, Dec 31st, 2016

Donald Trump oo ammaanay Madaxweyne Putin

_93188446_6566ef16-32fc-4fab-9c6c-85f7ac0ec34a

Madaxweynaha la doortay ee Maraykanka Donald Trump ayaa ku ammaanay talaabada u qaaday madaxweynaha Ruushka Mr Putin ee ah inuusan ku dayan dowlada Maraykanka oo horay u ceyrisay diblomaasiyiin Ruush ah.
Kuwaasoo loo haysto inay ka dambeeyeen faragalin lagu sameeyey doorashadii Maraykanka ka dhacday.Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa hore u sheegay in uusan musaafurin doonin diblumaasiyiinta Mareykanka.

Mr Putin wuxuu sheegay inuu sugaayo illaa Donald Trump uu xilka kala wareegaayo bisha January, ka hor inteysan go’aan gaarin.

Wuxuu xaqiijiyay in caruurta diblumaasiyiinta Mareykanka lagu casuumaayo aqalka Kremlin-ka oo dabaadegga sanadka cusub ay kaga qeybgali doonaan. Wasaaradda arrimaha dibedda ee Ruushka ayaa horey ugu baaqday in dalka Ruushka laga eryo 35 diblmoaasiyiin u dhalatay Mareykanka taas oo jawaab u ah tallaabo taa la mid ah oo ay Washington qaaday shalay.

Fariin qoraal ah oo la dhigay barta Twitter-ka ee madaxweynaha la doortay Donald Trump ayaa lagu tilmaamay in madaxweyne Putin uu yahay nin waxgarad ah. Dhanka kale John McCain oo horay musharax madaxweyne u soo noqday ayaa ku tilmaamay tilaabada Ruushka lagula xiriirinayo jabsashada aalada internetka ee doorashooyinkii Maraykanka ka dhacay inay ahayd tilaabo weerar ah, ayna tahay in Ruushka uu wajaho abaalkiisa

_93188447_c06a8a91-f816-4ff7-b8e7-cf240521599d

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300