Published On: Fri, Dec 30th, 2016

Shabaab oo lagala hadlay hujuumka ay ku hayaan Beesha Carwamale

shabaab

ururka Al Shabaab, ayaa lagala hadlay weerarka gaar ah, ee ay ku hayaan Beesha Cawramale ee Gobolada Jubbooyinka, iyadoo dhinaca kalana laga saxiixay qoddobo nabadda lagu taageerayo.

Odayaasha Dhaqanka ee Beelaha Sade, Dir iyo Samaale ee Gobolada Jubbooyinka, ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ay Madaxda Shabaabku qaarkood kulamo kula lahaayen Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe.

Odayaashan, ayaa u istaagay in ay Shabaabku kala hadlaan joojinta culeys, ay toddobaadyadii la soo dhaafay soo saareen Beesha Cawramale ee degta deegaanada dhaca Galbeedka Magaalada Kismaayo.

Maleeshiyada Al Shabaab, ayaa lagu eedeeyay in ay beeshaasi ka kaxeysteen in ka badan laba kun iyo shan oo neefka geela iyo in ay gowraceen xoolo dhaqato ka soo jeeda beeshaasi.

Odayaasha Dhaqanka, ayaa Madaxda Shabaabka ka dhaadhiciyay in ay ka laabtaan dagaalka gaarka ah, ee ay ku hayaan Beesha Cawramale, iyadoo ugu dambeena ay Shabaabku aqbaleen.

Ilo wareedyo muhiim ah, ayaa Dhacdo.com u sheegay in Madaxda Al Shabaab, ay soo dhaweeyeen qoddobo dhawr ah oo la soo hordhigay, si loo nabadyeelo nafta iyo maalka Cawramale.

Qoddobada laga saxiixay Shabaab

In marka hore la joojiyo dagaalka lagu hayo beesha
In xabsiyada laga sii daayo xoolo dhaqatada xiran
In dib loo soo celiyo xoolihii laga dhacay beesha, intii hadda gacanta laga hayo.

Dhanka kale saacadihii ugu dambeeyay ee Khamiistii, ayaa waxaa la soo sheegaya in Shabaabku ay dib u soo celiyen boqolaal ka mid ah xoolihii laga dhacay xoolo dhaqatada Beesha Cawramale.

Shabaabka, ayaa bartamihii bishan si adag u beegsaday Beesha Cawramale, ka dib markii ay ku eedeeyen in ay si buuxdo u taageertay Maamulka Jubbaland.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300