Published On: Fri, Dec 30th, 2016

Maamulka Gobolka Gedo oo baaraya daawooyinka laga qabtay Hay’adda World Vision

gedo

Maamulka Gobolka Gedo, ayaa bilaabay baaritaano ay ku samaynayan daawooyin ay leedahaay Hay’adda World Vision, oo Arbacadii lagu qabtay Degmada Luuq ee Gobolka Gedo.

Gudoomiye Ku Xigeenka Maamulka Gobolka Gedo, Cismaan Nuux Xaaji, ayaa sheegay in gaari siday daawooyinkan uu ka soo amba baxay Degmada Doolow, uuna ku sii jeeday Gobolka Baay.

Gudoomiye Ku Xigeenka, ayaa tilmaamay in shakigoodu uu ka dhashay, gaarigaasi oo si nabdoon ku soo dhex maray dhulka u dhaxeeya Degmooyinka Doolow iyo Luuq, xilli sida uu sheegay ay dhulkaasi ku sugan yihiin Ururka Al Shabaab.

Waxaa uu su’aal ka keenay sababta ay Ururka Al Shabaab ula wareegi waayeen gaarigii daawooyinka siday, oo si nabdoon ku soo dhex maray dhulka ay ku sugan yihiin.

Cismaan Nuux Xaaji, ayaa ku hakaday in Ururka Al Shabaab looga bartay in ay dhacaan daawooyinka, ay leeyihiin Hay’adaha Qaramada Midoobe.

Cismaan Nuux, ayaa wuxuu intaa ku daray in daawooyinkan ay u maleynayan in loo waday Shabaabka Gobolka Baay, balse sida uu sheegay ay baaritaano ku wadaan.

Xaaji oo la hadlay Idaacadda Shabelle, ayaa carabka ku adkeeyay in aanay fasixi doonin daawooyinkaasi, illaa iyo inta ay ka xaqiijinayan cidda loo waday.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300