Published On: Fri, Dec 30th, 2016

Amisom oo ka hadashay baarista lagu sameeyay Askartooda Munaasabadii dhaarinta Xildhibaanada ee Muqdisho

baaris-526x330

Taliska AMISOM ayaa ka hadlay sida ay u arkaan baaritaan lagu sameeyay qaar ka mid ah askartooda xili ay qorsheynayeen in ay gudaha u galaan xaruntii ay ka dhacday dhaarta xildhibaannada 27kii bishan laba Maalin kahor.

Sawir muujinaya askari ka tirsan cidamada booliiska oo baaraya askari ka tirsan Ciidamada AMISOM ayaa lagu baahiyay baraha bulshada,  kaasoo muujinaya foojignaantii dheeraadka aheyd ee ciidamada booliiska Soomaaliyeed intii ay soctay munaasabadii lagu dhaarinayay xildhibaannada.

Taliska AMISOM oo qoraal kooban soo dhigay bogga ay ku leeyihiin Twitter –ka ayaa lagu sheegay in aritan tahay taxadir dhinac amniga ah oo guud ahaan ay qabeen cidamadii ilaalada ka hayay xarunta doorashada, waxaana la sheegay in askariga baarayo laftirkiisa doonayay in  uu ka qeyb-qaato sugida amniga xarunta.

Ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa inta badan wadajir uga qeyb-qaata sugida amniga munaasabadaha waaweyn ee heer Qaran, laakiin waa markii ugu horeysay oo la shaaciyo sawir muujinaya ciidamada Soomaalida oo baaraya askar AMISOM ka tirsan  si loo sugo amniga.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300