Published On: Thu, Dec 29th, 2016

UK Muwaadiniinteeda uga digtay Musuqa Doorashada Soomaaliya

england-238x178

War ka soo baxay safaarada Dalka Ingiriiska ayaa lagu sheegay in sharciga Dalka Ingiriiska lagu ciqaabi doono Muwaadiniinta heysata Dhalashada UK ee ku lug yeesha Musuq maasuqa Doorashada Soomaaliya.

Safiirka Dalka Ingiriiska wakiilka uga ah Soomaaliya Harriet Mathews ayaa Barta ay Twitterka ku leedahay soo dhigtay digniin culus oo ka dhan ah Muwaadiniinta Ingiriiska ah ee asalkooda ka soo jeedo Soomaaliya, waxaana ay uga digtay in ay ku lug yeeshaan Musuqa Doorashada.

Qoraalkan laguma bixin faah-faahin intaas dheer, hase yeeshee Dowladda Ingiriiska ayaa Talaadadii qeyb ka ahayd qoraal kasoo baxay saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka oo lagu sheegay inay ka walaacsan yihiin qaar ka mid ah go’aanada kasoo baxay Hogaanka Madasha Wadatashiga Qaran ee ku saabsan hanaanka doorashooyinka Soomaaliya.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300