Published On: Thu, Dec 29th, 2016

Khasaare ka dhashay Qaraxa ka dhacay Jalalaqsi

jalalaqsi

Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa Qarax khasaare geystay oo shalay gelinkii dambe ka dhacay Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.

Qaraxan ayaa ka dhacay goob Maqaaxi ah oo ay isugu yimaadaan dad shacab ah, waxaana fuliyaya Qof isa soo miidaamiyay, sida ay sheegeen Mas’uuliyiinta Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.

Gudoomiyaha Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan Maxamed Cabdulle Fiidow ayaa Risaala u sheegay Qaraxan in uu ku dhintay Ninkii is Qarxiyay oo keliya, khasaare kalena uusan geysan.

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in Qaraxa lala eegtay Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM, inkastoo warkaasi uu beeniyay Gudoomiyaha Degmada Jalalaqsi.

Ciidanka Ammaanka ayaa waxa ay gaareen goobta uu Qaraxa ka dhacay, waxaana ay halkaasi ka sameeyeen Howlgallo aan cidna lagu soo qaban.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300