Published On: Tue, Dec 27th, 2016

Xildhibaanada Baarlamaanka oo maanta lagu wado in la dhaariyo

dhaar-238x178

Magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunta Ciidanka Booliska maanta waxaa lagu wadaa in lagu qabto Munaasabad lagu dhaarinayo xildhibanada cusub ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Munaasabadda lagu dhaarinayo xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka qeyb galaya Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka.

Xildhibaanada Labada Aqal ee lagu soo doortay Magaalooyinka Maamul Goboleedyada ayaa dhamaantood waxa ay soo gaareen Magaalada Muqdisho, si loo dhaariyo, loona gudoonsiiyo shahaadooyinkooda aqoonsi.

Wadooyinka ugu waa weyn ee Magaalada Muqdisho ayaa saakay intooda badan ay xiran yihiin, si ammaanka loo adkeeyo, waxaana la soo dhoobay Ciidamo dheeraad ah.

Dhib u dhac ayaa horey ugu yimid dhaarinta xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Federaalka, maadaama Madasha Qaran ay horey u sheegeen in 15-kii Bishan la doonayay in la qabto Munaasabada dhaarinta ah.

Maamulka Baarlamaanka ayaa sheegay in 27-ka Bishan oo maanta ku beegan ay dhici doonto Munaasabada lagu dhaarinayo xildhibaanada Labada Aqal ee Dowladda Federaalka

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300