Published On: Tue, Dec 27th, 2016

Wararkii ugu dambeeyay dagaal khasaare geystay oo ka dhacay J/Hoose

axmed-carab-238x178

Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa Dagaal geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Tuulada Yaaq-bishaaro oo 60-KM u jirta Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

Dagaalkan ayaa u dhaxeeyay Dagaalyahano ka tirsan Shabaab iyo Dad xoolo dhaqato ah, waxaana uu socday mudo saacado ah.

Afhayeenka Laamaha Amniga Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Maxamuud  oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay in ay Al-Shabaab ay ka gubeen Gaadiid iyo sidoo kalena ay gacan siiyeen dadka xoolo dhaqatada ah ee Al-Shabaab dagaalka kula jira.

Dagaalkaasi ayuu  sheegay in ay sidoo kale ay ka qeyb qaateen diyaarado dagaal.

Waxaa uu sidoo kale uu sheegay in ay sii laba jibaari doonaan dagaalka ay kula jiraan Xarakada Al-Shabaab , waxaana uu ku hanjabay in ay la wareegi doonaan dhawaan degaanada ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300