Published On: Tue, Dec 27th, 2016

NISA oo soo bandhigtay Darawalkii waday Gaarigii ku Qarxay Dekada Muqdisho

maxamed

Ciidamada Nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka ee (NISA) ayaa soo bandhigay xalay Maxamed Ibraahim Xasan oo ahaa Darawalkii Waday Gaarigii dhowaan lagu qarxiyey Afaafka Hore ee Dakadda Magaalada Muqdisho .

Maxamed oo ka sheekeeyay qaabkii loo soo abaabulay Qaraxaas ayaa sheegay in ay ahaayeen Shabakad ka kooban ilaa 6 Qof oo wadatayna laba gaari oo kala ah midka qarxay iyo midkale oo nooca raaxada ah.

“Waxaan ahaa Darawalkii Waday Gaariga ku Qarxay Dekadda Muqdisho ,waxuuna qorshuhu ahaa  in aan gaariga ku qarxiyo Albaabka Hore ee Dekadda kadibna gaari kale ee nooca raaxada ah oo ay saaran yihiin 5 Nin oo hubeysan  in ay gudaha u soo galaan Dekadda, hase ahaatee Inta aan la gaarin xiliga qaraxa uu dhacayo habeenkeedii ayaan ka laabtay go’aanka ah in aan is dilo , waxaana sameeyay si aysan ii fahmin 5 kale ee howlgalkan ila waday ayaan gaarigii soo waday Habeenkii waxaana dhigay goobta uu ku qarxi doono subaxii” Ayuu yiri Maxamed

Maxamed oo hadalkiisa siiwata ayaa intaas ku daray in gaariga uu habeenkaasi goobta ku waabariistay Marka lagaarayna subaxii halkaasi uu ku qarxay.

“Gaariga habeenkaasi waxaa uu ku baryay meel aan sidaas uga fogeen oo ah meesha subaxii uu ku qarxi doono, anigoo ka baqaya in la iqabto ayaan ka soo baxsaday goobta uu qaraxa ka dhacay waxaasa iga daba yimid Ciidamada Amaanka oo hada aan gacantooda ku jiro” Ayuu yiri Maxamed Ibraarim Xasan.

Taliyaha Ciidamada Nabadsugida Gobolka Banaadir Maxamed Xasan Faarax oo loo yaqaano (Faran-Far) ayaa sheegay in ninkan laga soo qabatay Degaanka Labar Konton Islamarkaana ay ku daba jiraan raggii kale ee shabakadaasi qeybta ka ahaa.

“Ciidamada NISA oo Isticmaalaya Tignoolajiyada Casriga ah ee lagu baaro Qaraxyada iyo daba-galka ayaa gacanta ku soo dhigay Maxamed Ibaraahim Xasan oo lagu daba jiray waxaana laga soo qabatay Degaanka Lambar Kontan ee Gobolka Shabeelaha Hoose iyadoo Ciidamada Amaanka  ay ku daba jiraan raggii kale ee kula jiray howlgalkaasi kuFashilmay”.

Qaraxan oo dhacay 11/Dec/2016 Xili Subax Hore ah ayaa sababay dhimashada ku dhawaad 50 qof oo shacab ah iyo dhaawaca Lixdameeye kale.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300