Published On: Tue, Dec 27th, 2016

Maxay tahay sababta maamul goboleedyada ay u tagi la’yihiin Caasimadahooda?

xasan-sheekh-4-300x194

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay sababta keentay in qaar ka mid ah maamul goboleedyada ka jira dalka aysan ku shaqeyn caasimadaha loo asteeyay in ay ku shaqeeyaan.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ammaanay maamulka Hirshabeelle oo uu sheegay in uu yahay maamulka Kaliya ee ku shaqeeya Caasimadii loo idmaday.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in maamul goboleedyada ka jira dalka ay haystaan duruufo kala gedisan oo ay ka mid yihiin dagaalka Al-Shabaab

Waxaa uu sheegay in Caasimada maamulka Jubbaland ee Bu’aale ay ka gacanta ku hayaan Al-Shabaab.

Magaalada Baraawe oo ah Caasimada Koonfur Galbeedna aysan la heyn adeegyo ku filan maamulka .

Magaalada Dhuusamareebna ay gacanta ku hayaan ururka Ahlusuna oo kasoo horjeeda maamulka Galmudug.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300