Published On: Tue, Dec 27th, 2016

Al-Shabaab oo digniin adag u diray Ganacsatada Boosaaso

al-shabaab

Al-Shabaab ayaa digniin u diray Ganacsatada kunool Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, waxaana ay sheegeen in ganacsatada looga baahan yahay in aysan la shaqeyn maamulka Puntland.

Afhayeenka Ciidamada  Al Shabaab, C/casiis Abuu Muscab, ayaa sheegay in ay tilaabo adag ay ka qaadi doonaan cidwalba  oo ay ku tuhmaan in ay la shaqeynayso maamulka Puntland.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in ciidamada  Ilaalada Hoteelada Magaalada Boosaaso ka ah ay beegsan doonaan hadii ay xirtaan dareeska ciidanka Maamulka Puntland.

Afhayeenka ayaa ugu baaqay Ganacsatada in ay ka fogaadaan in ilaaladooda ay u xiraan dharka ay xirtaan ciidanka Puntland.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in maalmihii lasoo dhaafay ay dilal qorshaysan ay ka geysteen Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga ee Maamulka Puntland.

Bishaan gudaheeda ayaa Magaalada Boosaaso waxaa lagu dilay Madax sar sare ka tirsan dowlad goboleedka Puntland sida Agaasimihii Madaxtooyada Boosaaso, taliye ku xigeenkii Sadaxeed ee Ciidanka Puntland iyo sidoo kale xeerilaalihii ciidanka Puntland

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300