Published On: Mon, Dec 26th, 2016

Ethiopia: Biyaha wabiga Nile waa loo sinaanaa


Wasiirka arimaha dalka Ethiopia, Workneh Gebeyehu , ayaa mar kale ku celiyay in dalkiisa ay ka go’an tahay in uusan wax yeeleynin xuquuqda ay ku leeyihiin dalalka uu maro wabiga aduunka ugu dheer ee Nile, isagoo ku baaqay in la wadaago isticmaalka biyaha wabiga.Wasiirka oo hadalkan ka sheegay shir jaraa’id, ayaa hoosta ka xariiqay in wadankiisa uu diyaar u yahay in uu xoojiyo xiriirka uu la leeyahay dalalka uu wabiga maro si loo gaaro heshiis ku dhisan danaha dalalkaas.Bishii, Maarso ee sanadkii 2015, waxaa heshiis magaalada Khartoum ee dalka Suudaan ku gaaray dalalka Suudaan, Masar iyo Ethiopia, kaas oo daba socday markii dowladda Ethiopia ay dib u cusbooneysiisay dhismaha biyo xireenka, ayagoo isku waafaqay in la alkumo guddi isku dhaf ah oo qiimeyn ku sameeya si loo wadaagayo biyaha wabiga Nile.

Biyo xireenka Ethiopia ay ka sameysay wabiga Nile ayaa xukuumadda Qaahira ka carootay, ayadoo u arkeysa in waxyeelo soo gaarayso saamiga ay ku leedahay biyaha wabiga kaas oo gaaraya 55.5 billion oo miter cubic sanadkii.

Dowlada Ethiopia, ayaa sidoo kale ku celisay in biyo xireenka uusan wax saameyn ah ku yeelaneynin saamiga biyaha ay ku leeyihiin dowladaha Suudaan iyo Masar.

Mashruuca dowladda Ethiopia ay ku dhisayso biyo xireenka qaaradda Afrika ugu weyn ayaa ah mid ay ugu gol leedahay in ay ka dhaliso korantada, waxaana uu ku fadhiyaa dhul baaxadiisa dhan tahay  1,800 KM oo labo jibaaran. Iyadoo ay ku bixi doonto qiimo gaaraya 4.7 billion oo doolarka Amerikaanka ah.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300