Published On: Mon, Dec 26th, 2016

Ciidanka dowladda oo dulaan ku ah degaano ka mid ah gobolka Hiiraan

howlgal-ciidamada-xds-238x178

Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa dulaan ku ah degaano ay gacanta ku hayaan Xarakada Al-Shabaab oo ku yaalla gobolka Hiiraan.

Degaanadaasi waxaa ka mid ah degaanka Ceelcali oo 70 km u jira Magaalada Baledweyne , islamarkaana sanadkaan gudihiisa ay iskaga baxeen ciidanka dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale kuwa Itoobiya ayna la wareegeen Xarakada Al-Shabaab.

Gudoomiyaha degaanka CeelCali Abiikar Cumar Yaroow oo la hadlay idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ciidanka dowladda Soomaaliya ay wadaan diyaargarowgii ugu dambeeyay ee ay ku doonayaan in ay ku qabsadaan degaanka Ceel-Cal Howlgalka lagu qabsanayo degaanka Ceelcali ayuu sheegay Abiikar Cumar Yaroow in aysan qeyb ka aheyn ciidanka AMISOM.

October 11 dii ee sanadkaan 2016 ka ayay aheyd markii ciidanka dowladda Itoobiya iyo sidoo kale ciidanka dowladda ay iskaga baxeen degaanka Ceel-Cali ,islamarkaana maamulka degaankaasi ay la wareegeen Xarakada Al-Shabaab.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300